Shiinaha oo ka digay in la taageero gooni u goosadka Hong Kong .

Dowladda Shiinaha ayaa siyaasiyiinta dalka Maraykanka uga digtay inay taageero u muujiyaan waxaa loogu yeeray dad gooni u goosad ah ee jamhuuriyadda Hong Kong.
Mas’uulka Shiinaha u qaabilsan Hong Kong ayaa sheegay in Hong Kong ay weli maamul ahaan ka tirsantahay xukuumada Beijing.
Waxaa uu wacad ku maray in tallaabada habboon laga qaadayo cid waliba oo laga dareemo inay ku xadgudbayso madax bannaanida dalkiisa.
Waxaa uu ka jawaabayay hadal ka soo yeeray guddoomiyaha golaha wakiilada ee Maraykanka Nancy Pelosi.
Hong Kong ayaa waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka taagnaa dibadbaxy looga soo horjeedo hindise sharciyeed ku aaddan in dadka lala xariiriyo dembiyada kala duwan loo tarxiili karo dal-weynaha Shiinaha si halkaasi loogu soo maxkamadeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here