Shiinaha oo laga diiwaangeliyay 49 ah kiisaska cusub ee COVID-19

Dowladda dalka Shiinaha ayaa maanta shaacisay xaalado cusub oo ah kuwa cudurka COVID-19 oo dhan 49.
Tiradan ayaa hal maalin ka hor ahayd 57 kiis sida laga soo xigtay guddiga caafimaadka ee wadankaas.
Guddigan ayaa intaa ku daray in 39 ka mid ah xaaladaha cusub ee la xaqiijiyay ay yihiin kuwo si maxalli ah la isugu gudbiyay.
36 ka mid ah xaaladahan ayaa laga helay caasimadda Shiinaha ee Beijing waxayna tirada guud ee kiisaska coronavirus ee Shiinaha hadda tahay 83,181 halka dhimashada aynan sii kordhin oo ay weli tahay 4,634.
Shiinaha ayaa hadda dib u billaabay baaritaan wadareedka gudaha Beijing iyo xayiraadda dhanka isku socodka ee degmooyinka kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here