Shiinaha oo laga soo tabiyay 5,000 oo ah kiisaska cusub ee Coronavirus

Guddiga qaran ee caafimaadka dalka Shiinaha ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in la diiwaangeliyay 5,000 oo ah kiisas hor leh kuwaasoo la xiriira caabuqa saameynta yeeshay ee Coronavirus.
Firuusigan oo wadankaas ka billowday ayaa ku fiday ugu yaraan 25 ka mid ah dalalka caalamka.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha Shiinaha Coronavirus ugu dhintay 1,380 oo qof halka tirada guud ee dadka uu saameeyay ay tahay 63,851
55,748 oo dadkan ka mid ah ayaa hadda xaaladooda caafimaad lala tacaalaya .
Dhibaatada ugu badan ayaa waxay soo gaartay magaalada Wuhan ee gobolka Hubei .
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay sheegaysa inay ku dadaalayso xakameynta faafidda cudur sidaha dunida walaaca ku beeray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here