Shiinaha oo laga xaqiijiyay 10 ah xaaladaha cusub ee COVID-19

Guddiga qaran ee caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa sheegay inuu xaqiijiyay kiisas cusub oo coronavirus oo dhan 10.
Tan ayaa tirada guud ee kiisaska cudurka COVID19 ee wadankaas ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay ka dhigtay 85,194.
Guddiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inaan la soo tabin dhimasho dheeraad ah.
Dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka COVID19 ee Shiinaha ayaa ah 4,600.
Shiinaha ayaa sido kale laga xaqiijiyay 39 xaaladood oo ah dadka cudurka laga helay iyagoo aan wax astaamo ah muujin ,tani oo dowladda dalkaas aynan ku xisaabin tirada guud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here