Shiinaha oo laga xaqiijiyay 14 xaaladood oo cusub oo coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay inay xaqiijisay kiisas hor leh oo ah kuwa caabuqa corona oo dhan 14.
9 ka mid ah xaaladahan ayaa lagu arkay gobolka galbeed ee Xinjiang.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in 5 xaaladood ay yihiin kuwo laga helay dad dhawaan ka soo laabtay safarro ay ku tageen dibadda wadankaas.
Waxay tani ku soo aadaysaa iyadoo 16 cisho aan caasimadda Shiinaha ee Beijing laga soo tabin kiisas si maxalli ah la isugu gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here