Shiinaha oo laga xaqiijiyay 24 xaalado cusub oo COVID19 ah

Maamulka caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa sheegay inuu diiwaangeliyay kiisas cusub oo coronavirus oo gaaraya 24.
21 ka mid ah xaaladahan ayaa laga helay dad dhawaan ka soo laabtay dibadda Shiinaha.
Saddexda kiis ee kale ayaa laga xaqiijiyay gobolka galbeed ee Xinjiang sida lagu xusay bayaanka guddiga caafimaadka ee dalkaas.
Tirada guud ee xaaladaha cudurka COVID-19 ee Shiinaha ayaa hadda ah 85,997 halka dhimashadu ay tahay 4,634 qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here