Shiinaha oo laga xaqiijiyay 28 ah kiisaska cusub ee coronavirus

Dowladda dalka Shiinaha ayaa xaqiijisay xaalado cusub oo la xiriira fayraska corona oo gaaraya 28.
Guddiga caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegay in 4 ka mid ah kiisaskan laga helay dadka ka yimid dibadda Shiinaha.
Sido kale waxaa jiro siddeed qof oo uu cudurka ku dhacay iyagoo aan wax astaamo ah muujin.
Tirada guud ee kiisaska corona ee Shiinaha waxay hadda tahay 83,293 halka dhimashada ay marayso 4,634.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here