Shiinaha oo meel mariyey sharciga amniga ee Hong Kong

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa saxeexay sharciga muranka badan dhaliyay ee amniga qaran ee Hong Kong oo Beijing ay sheegtay inay lagama maarmaan tahay la tacaalida kala soocida iyo faragelinta shisheeye.
Laakiin dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya inay sharciga ka fogayn doonaan isla markaana baabi’in doonaan madaxbanaanidii loo ballanqaaday markii dhulkii lagu celiyay Shiinaha sanadkii 1997.
Faahfaahinta sharciga – oo jawaab u ah mudaharaadkii dhacayay sanadkii hore ayaa la soo saaray gelinkii danbe ee maanta.
Sharcigu wuxuu dhaqan gelayaa markii si rasmi ah loo daabaco Hong Kong – – waxaana la rajaynayaa inuu dhaqan galo 1da Luulyo, oo ah sannad-guuradii ka soo wareegtay xiligii guumeeysiga Ingriiska soo wareejiyay dhulka Shiinaha.
Hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam, oo khadka taleefanka kula hadlaysa Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa sheegtay in sharciga uu buuxin doono “meel bannaan” oo aan wax u dhimeyn doonin madaxbanaanida dhulka ama garsoorkeeda madaxa bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here