Shiinaha oo sheegay in ay tahay waqti hore in la khafiifiyo xayiraadaha fayraska korona

Maamulka caafimaadka dalka Shiinaha ayaa sheegay in dib-u-soo cusboonaashaha kiisaska maxalliga ah ee fayraska korona ay muujinayso in tallaabooyinka lagu xakameenayo caabuqa korona aan la dabcin Karin.
Magaalada Wuhan oo ah halkii uu ka soo bilawday cudurka COVID-19 ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay maalinkii Isniinta in muddo ah.
Arrintan ayaa imaneysa iyada oo hay’aada caafimaadka adduunka ee WHO ay sheegtay inay u baahan tahay dhaqaale dheeraad ah si loo dardar geliyo soo saarida daawada fayraskan.
Dalka Mareykanka ayaa waxaa ila iyo hadda ugu dhintay fayraskan in ka badan 80,000 oo qof.
Dalka Indonesia tirada dhimashada ayaa hadda gaartay 1,000 iyada oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dalkaasi fayraska ugu dhinteen 16 qof.
Kiisaska guud ayaa hadda ah 14,749 gudaha Indonesia.
Spain ayaa dhankeeda amartay in muddo labo isbuuc ah la karantiilo dhamaan dadka ka soo safrayo dalka dibaddiisa laga bilaabo 15-ka bisha May, waxayna arrintan jiraysaa ila iyo 24-ka isla bishan markaas oo uu ku egtahay xaalada deg dega ee dalkaas saaran.
Guud ahaan caalamka waxaa la xaqiijiyay in ka badan 4,270,000 oo kiis iyo dhimashada 287,540.
Sido kale waxaa jiro tiro dhan 1,534,300 oo kasoo kabatay cudurkan.
Qaaradda Afrika waxuu cudurkan ku dhacay 67,772 qof halka dhimashadu ay tahay 2,355, waxaa kale oo ka bogsaday 23,983 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here