Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay cunaqabateyntii Mareykanku ku soo rogay shirkadaha Shiinaha

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegtay inay si adag uga soo horjeedo cunaqabateyntii ugu dambeysay ee Mareykanka uu ku soo rogay shirkadaha Shiinaha ee ku yaal gobolka Xinjiang.
Wuxuu sheegay in tallabaddas ay tahay kaliya arrimaha gudaha ee Shiinaha.
Afhayenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Shiinaha Zhao Lijian ayaa hadalkaasi sheegay Isniinta maanta ah.
Waaxda Ganacsiga ee Mareykanka ayaa sheegtay Jimcihi inay xayirayaan sagaal shirkadood iyo xarumo Shiineeys ah oo ay sheegeen inay yihiin kuwo ku xadgudbay Xuquuqul Insaanka iyo kuwo geeystay cadaadis, xarig aan sharci aheyn iyo shaqo qasab ah oo ka dhan ah qowmiyadda Uighur iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here