Shiinaha oo Soomaaliya ku tilmaamay saaxiib wanaagsan oo lagu kalsoonaan karo

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay qorsheyno in ay si weyn u xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya .
“Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo Soomaaliya sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal loona gaari lahaa heer sare”, ayuu yiri Wang Yi oo ah xubin ka tirsan Golaha Degaanka Shiinaha.
Wang ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Isagoo xusay in Soomaaliya ay tahay saaxiib wanaagsan oo lagu kalsoonaan karo, walaalna u tahay Shiinaha, Wang wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta iyo dhismaha wadajirka ah ee Hindisaha .
Wuxuu tilmaamay in Shiinaha uu diyaar u yahay inuu ka faa’iideysto fursadda sanad-guurada 60-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal si loo hirgeliyo is afgaradkii ay gaareen hoggaamiyeyaasha labada dal iyo in lagu riixo xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya meel sare.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here