Shil gaari oo ka dhacay gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa waxaay sheegayaan in Maanta degaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay shil geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.
Inta la xaqiijiyay Shilkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Ruux waxaa sidoo kale ku burburay gaariga iyo Agab kala duwan oo saarnaa.
Shilkan ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay uu rogmaday gaari nooca loo yaqaano Biijiga xilli uu marayay inta u dhaxeysa Deegaanada Ceel-guula iyo Afgaduudle ee Gobolka Mudug.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Gudaha waxaay sheegeen in labada qof ee Shilka ku dhaawacantay loo qaaday Isbitaalka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug si halkaasi loogu daaweeyo, waxaana gurmad u sameeyay dadka degaanka uu Shilka ka dhacay.
Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay Shilalka Gaari, iyadoo inta badan ay ugu wacan tahay wadooyinka oo burbursan Maalmo ka hor ayay ahayd markii shil Qasaare Nafeed Sababay uu ka dhacay deegaan ka Tirsan gobolka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here