Shil gaari oo ka dhacay gobolka Nugaal

Wararka ka imaanaya deegaan ka tirsan gobolka Nugaal ee Maamul goboleedka Soomalaiyeed ee Puntland ayaa waxay sheegayaa inuu halkaas ka dhacay Shil Gaari oo Qasaare Gaystay.
Shilkaan gaari oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay Xalay xilli dambe degaanka Dangoroyo ee Gobolka Nugaal, oo qiyaastii 114km dhanka bari kaga beegan Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Shilka ayaa waxaa uu yimid, kaddib markii uu rogmaday Gaari nooca raaxada ah xilli uu marayay agagaarka degaanka Dangoroyo, waxaana halkaas ku dhintay laba qof oo Rag ah halka uu ku dhaawacmay ruux kale ,waxaana dhamaantood ay ahaayeen dadkii gaariga saarnaa.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in labada ruux ee shilka ku geeriyootay uu kamid ahaa sakari ka tirsanaa Ciidanka Madaxtooyada Maamulka Puntland oo lagu Magacaabi jiray Cabdulqaadir Xoreeye Gamboon, halka marxuumka kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Shiine Birjeeb uu ahaa qof Shacab ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada ilaalada wadooyinka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa goobta gaaray, kuwaasoo gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobvay Shilkaasi gaari ee Xalay ka dhacay Gobolka Nugaal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here