Shil ka dhacay dalka Canada oo ay dad ku dhinteen

Baabuur bus ah ayaa lagu soo waramaya inuu ku rogmaday gobolka Alberta ee koonfurta dalka Canada, halkaas oo ayna ku dhinteen saddex qof dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Baabuurka oo ahaa nooca dalxiiska ayaa waday dalxiisayaal u jeeday goobta loo yaqaano Alberta Jasper National Park si ay ugu soo damaashaadaan .
Dhawr qof oo la soctay baabuurka shilka galay ayaa loo kala qaaday isbitaalo kala duwan iyagoona uu soo gaaray dhaawac daran.
Booliska ayaa baaritaan ku haya waxa sababay shilka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here