Shil khasaare gaystay oo gobolka Nugaal ka dhacay

Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxay sheegayaan inuu Maanta halkaas ka dhacay Shil gaari oo Khasaare Sababay.
Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa geeriyootay halka Hanti faraadan ay ku baaba’day, kadib markii Shilal gaari ay ka dhaceen Tuulada Shire oo qiyaastii 150KM dhanka bari kaga beegan caasimadda Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe.
Shilka ayaa yimid, kaddib markii ay isku dhaceen ilaa 5 Gaari oo Saddex kamid ah ay ahaayeen nooca xamuulka qaado iyo mid yar oo kuwa Kalluunka ama malaayga lagu qaado ah.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Gudaha la hadlay waxaay ku warameen in mid kamid ah dadka dhintay uu weli ku hoos jiro mid kamid ah Gaadiidka shilka galay,isla markaana uu socdo dadaalo looga soo saarayo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Shilalka Gaadiidka ay sababeen in hanti farabadan oo gaadiidka saarnaa ay ku baaba’do, Hantidaasoo ay lahaayeen dad Ganacsato ah oo ku nool degaannada Maamulka Puntland.
Ciidamo ka tirsan kuwa Taraafikada ee Puntland iyo Shacabka Tuulada Shire ayaa sameeyay gurmad kala duwan, iyagoo badbaadiyay qaar kamid ah Hantida saaran gaadiidka Xamuulka ee shilka galay.
Bilihii la soo dhaafay ayaa degaannada Maamul goboleedka Puntland gaar ahaan wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Garoowe & Boosaaso waxaa kusoo batay shilalka gaari, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay in ka badan Afar Shilal Gaari ah oo dad ay ku dhinteen sidoo kalena ay Hanti ku burburtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here