Shil khasaare gaystay oo ka dhacay Bomet

Hal qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inuu ku dhintay shil ka dhacay ismaamulka Bomet halka 2 kalena ay dhaawacmeen.
Shilka ayaa u dhaxeeyay mid ka mid ah baabuurta nooca Toyota Probox iyo mooto.
Waxaa dhacdadan laga soo tabiyay goobta loo yaqaano Ngererit ee ku taalla wadada isku xirta degmooyinka Mogogosiek iyo Litein.
Taliyaha booliska ee deegaanka Konoin ,Mr Shikondi ayaa sheegay in baaritaano arrinkan ku aaddan la guda galay.
Waxaa uu gaadiidleyda iyo dadweynaha labaduba ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan gaar ahaan xilligan oo ay shilalka waddooyinka sare u kacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here