Shil khasaare gaystay oo ka dhacay wadada isku xirta Nairobi iyo Mombasa

Shil ka dhacay wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa waxaa ku dhintay hal qof iyadoo 32 kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Makueni, Joseph Ole Napeiyan ayaa dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in saaka bas rakaab siday uu gaddoomay xilli uu marayay magaalada Salama ee ku taalla agagaarka wadada.
Mas’uulkan ayaa xusay in baska uu ka soo ambabaxay Mombasa oo uu ku soo wajhanaa Nairobi.
Qofka dhintay ayaa ah haweeney isla goobta ku nafbaxday kaddib markii baska uu isku dayay inuu ka hor maro mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Mr. Napeiyan ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay weli raadinayaan darawalkii baska kaxeynayay oo shilka kaddib baxsaday.
Dadka ay dhaawacyada kala duwan soo gaareen ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka weyn ee Machakos halkaasi oo meydkii haweeneyda geeriyootayna la dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here