Shil khasaare gaystay oo ka dhacay wadada u dhexeysa Nairobi-Machakos

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil ka dhacay wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Machakos.
Waxaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 18 qof oo dheeraad ah.
Shilkan ayaa laga soo tabiyay goobta loo yaqaano Kanaani waxaa uuna u dhexeyay baabuur yar iyo mataatuu isku dhacay.
Agaasimaha waaxda la tacaasha xaaladaha degdega ee ismaamulka Machakos David Mwongela ayaa warfidiyeenada u sheegay in afar qof uu dhaawacoodu halis yahay.
14-ka kale ayaa lagu daaweeyay isbitaalka heerka afaraad ee Machakos kaddibna halkaasi laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here