Shil Khasaare gaystay oo Soomaaliland ka dhacay

Shilka gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay degmada Sheekh oo ka tirsan gobolka ay Soomaaliland u taqano Saaxil.
Shilka ayaa yimid, kaddib markii uu rogmaday Gaari Bas ah oo ay leedahay shirkadda Basaska Safar-same, waxaana ku geeriyooday inta la xaqiijiyay laba Ruux halka 9 kalena ay dhaawacyo kala duwan Soo gaareen.
Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ee taraafikada Soomaaliland iyo Maamulka degmada Sheekh ayaa tegay halka uu Shilka gaarigu ka dhacay, iyagoo goobta ka qaaday meydadka labada Ruux ee dhintay & dhaawaca dadka kale, waxaanala geeyay Isbitaalka degmada Sheekh & Isbitaalka Magaalada Burco.
Shilalka gaari ee ay ka dhashaan khasaaraha kala duwan ayaa maalmihii la soo dhaafay kusoo badanayay degaannada Dalka Soomaaliya waxaana ugu danebeyay deegaano ka tirsanSoomaaliland iyo Puntland, kuwaasoo loo sababaynayo wadooyinka qaarkood oo roobkii da’ay ku burburay.
Habeen ka hor ayay aheyd markii Shil gaari oo uu ku geeriyooday nin lagu magacaabi jiray Jimcaale Daahir Cusmaan uu ka dhacay Tuulada Libaaxo ee Gobolka Nugaal, oo qiyaastii 86 KM dhanka bari kaga beegan caasimadda Maamulka Puntland ee Garoowe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here