Shil qasaare gaystay oo ka Dhacay Magaalada Gabileey

Soomaaliland wararka ka imaanaya waxay sheegayaa in Shilka gaari uu xalay ka dhacay halka loo yaqaano Dooxa Huluuqeed ee degaanka Arabsiyo oo ka tirsan Magaalada Gabiley ee deegaannada Soomaaliland.
Shilka ayaa waxaay goob joogayaal sheegeen inuu yimid,kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kala ahaa mid nooca Xamuulka qaada ee loo yaqaano Waaraadka iyo Gaari yar,waxaana ku geeriyooday laba ruux oo kala ahaa Wiil iyo Gabar sida ay sheegayaa wararka ka imaanaya Soomaaliland.
Ciidamo ka irsan Booliska Soomaaliland ayaa tegay halka uu shilku ka dhacay, iyagoo goobta ka qaaday labada Ruux ee shilkaasi ku geeriyootay iyo laba kale oo ku dhaawacantay si loo daweeyo.
Wadada xiriirisa Maglooyinka Hargeysa iyo Gibileey ee deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay shilal sababay khasaaro kala duwan,waxaana la sheegay in wadadaaasi ay tahay mid burbursan oo sababta inta badan shilalka ku soo noqnqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here