Shilalka ay galaan mootooyinka oo saddex jibaar noqday

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa sheegay in sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii shilalka mootooyinka ee laga soo tabiyay qeybaha kala duwan ee dalka ay noqdeen ku dhawaad saddex jibaar
NTSA ayaa hoosta ka xarriiqday in shilalka sare u kacay loo aaneynayo wadayaasha dhugdhugleyda oo aan u hoggaansamin shuruucda waddooyinka iyo in kuwa qaar ay kaxeyaan iyagoo daroogo soo isticmaalay.
Ugu yaraan 684 ayay noloshoodu galaafteen shilalka mootooyinka tani oo u dhiganta sare u kac ah boqolkiiba 27.
Waxaa 2018-kii shilal ku dhintay 459 oo ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda marka loo barbardhigo sannadkii ka sii horeeyay oo tiradaasi lagu sheegay 365 qof.
In ka badan boqolkiiba 11 ee dhacdooyinkan waxaa laga soo tabiyay ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here