Shimbir kasoo duushay Finland oo lagu arkay ismaamulka Siaya

Waaxda duur joogta dalka ee (KWS) ayaa sheegtay in harada Kanyaboli ee ismaamulka Siaya galbeedka dalka lagu arkay shimibir kasoo duushay dalka Finland.
Shimbirtan ayaa la sheegay inay soo jartay masaafo dhan 6,948 Kiilomiitar.
Waxaana la rumeysanyahay inay cunto Kalluunka.
Qofn kamid dadka deeganka ayaa sheegay in uu arkay shimbirta 3 maalmood ka hor wuxuuna ku wargeliyay waxda duur joogta oo la wareegay si ay udaryeelaan.
Shimbirtan waxaa lugta kaga xirneyd bir muujineyso inay kasoo baxsatay magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Agaasimaha uqaabilsan isgaarsiinta ee waxda duur jogta Paul Odoto ayaa sheegay in shimbirta lugaheeda lagu arkay daawacyo balse waxay u muuqaataa inay caafimaad qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here