Shimbiro dhibaateeyay diyaarad ay leedahay Ruushka

Diyaarad rakaab ah oo uu Ruushku leeyahay ayaa si deg deg ah ugu degtay goob u dhaw caasimada Moscow kadib markii shimbiro ay galeen matoorka diyaaradda.
Diyaaradan oo ahayd Ural Airlines 321, oo ay saarnaayeen 233 qof, ayaa yar burburtay kadib maray carqaladeeyeen shimbiro.
Afar qof ayaana lagu soo waramayaa inuu soo gaaray dhaawac fudud iyagoona loo qaaday isbitaalka.
Shirkadda diyaaradaasi ayaa welwel soo foodsaartay kadib markii diyaaradahooda sanadihii u dambeeyay ay shilal galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here