Shir Amniga Looga Hadlayo oo Muqdisho ka Dhacay.

Saraakiisha amniga maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka Caasimada Somaaliya ee Muqdisho ayaa ka qayb galay kulan gaar ah oo amaanka Caasimada looga arinsanayay.

Shirkaan oo lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow.

waxaa kulanka diirada lagu saarayay amniga Caasimadda iyo qiimeyn lagu sameeynayay, kadib howlgallo isdaba-joog ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay ka sameynayeen degmooyin Gobolkan Banaadir,sida uu sheegay Gudodomiyaha Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in Shirka Amniga Caasimadda ay ku qiimeynayeen xaalada Guud ee amniga Caasimada ka dib kormeer iyo dabagal uu sheegay inay maalmihii la soo dhaafay wadeen.

Wuxuu gudoomiyuhu Tilmaamay inay go’aamiyeen in dib u eegis  lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimadam si loo sii wanaajiyo.

Tan iyo markii guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay howlgallo laga fulinayo degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa si sidaba-joog ah magaalada Muqdisho uga dhacayay kulamo looga hadlayay Amniga Caasimadda,kuwaasoo uu qaarkood shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Waxaana dhanka kale caasimada iyo nawaaxigeedaba ka dhacayay howlgalo joogta ah oo ay samaynayeen Taliska qaybta guud ee gobolka Banaadir iyo ciidamada kale ee u xil saaran amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here