Shir Doorashada Soomaaliya looga hadlayay oo ka dhacay Garowe

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulanka 4-aad ee Doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka,kaasoo lagu qabtay Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Kulanka oo ay kasoo wadashaqeeyeen Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Hay’adda PDRC,ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland , Madaxweynayaashii hore ee Maamulkaasi iyo xubno kale.
Waxaa kulanka looga dooday hanaanka Doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, Iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, Doodaha noocan oo kale ah ayaana la sheegay inay sii socon doonaan illaa ugu danbeyn ay kasoo baxdo aragtida Puntland ee nooca Doorasho ee dalka Soomaaliya ka dhici karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here