Shir ku aaddan xal u helidda umul raaca oo ka dhacaya Nairobi

Waxaa maanta magaaladatani Nairobi ka furmaya shir la qorsheeyay inuu socdo muddo saddex maalmood ah kaaso ay ka qeyb galayaan madaxda caalamka.
Waxaa diiradda lagu saaraya sida lagu soo afjari karo umul raaca galaafta nolosha hooyooyinka iyo dhallaanka iyo in sido kale laga gudbo tacaddiga lagula kaco haweenka iyo gabdhaha yaryar.
Kulanka ICPD25 ayaa ku soo aadaya 25 sano kaddib markii la billaabay shirka caalamiga ee tirada dadweynaha iyo horumarka (ICPD)
Xilligaasi ayay 179 dowladood ku baaqeen in horumar dhinacyo badan ah la gaarsiiyo dumarka iyo gabdhaha si gaar ah xoojinta caafimaadka la xariira taranka ama dalmada.
Hasa ahaate shirweynaha ka dhacaya caasimadda dalka ee Nairobi ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhanka kale koox la magacbaxday CitizenGo ay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ugu baaqeen inuunan ka qeybgelin ama uunan tixgelin talooyinka ka soo baxa.
Kooxdan ayaa ku doodaysa in shirka uu u ololeynaya waxyaabo aan waafaqsaneyn dhaqanka dadka madowga ama Afrikaanka ah sida adeegsiga dawooyinka loogaga hor tago uurka.
Shalay ayay ahayd markii xubnaha ururka CitizenGo ay dacwadda u gudbiyeen xafiiska madaxweynaha.
Hoggaamiyaasha shirka ICPD25 ka qeyb galaya waxaa ka mid ah madaxweynaha soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here