Shir ku saabsan ammaanka oo maalinkii labaad ka socdo Mombasa

Waxaa magaalada Mombasa ee gobolka xeebta maalinkii labaad ka socdo shir diiradda lagu saaraya xoojinta amniga dalka.
Waa madal qaran oo sannadla ah taasoo loo adeegsado in dib u eegis iyo qorsheyn lagu sameeyo xeerarka sugidda ammaanka.
Kulanka waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi.
Dr. Matiangi ayaa ka soo qeyb galayaasha faahfaahin dhameystiran ka siiyay qorsho ka kooban 10 qodob oo la doonayo in la isticmaalo sannadkan iyo sannadka xiga ee 2021-ka.
Qodobbadan ayaa kala ah ka hor tagga argagixisada, in la sii wado isbeddelada waaxda booliska, isbeddelo ballaaran oo lagu sameeyo adeegyada bulshada , in si buuxda loo dhaqangeliyo qorshaha bixinta adeegyada kala duwan ee qaab dijitaal ah ,in dib u eegis lagu sameeyo waaxda bixisa leesimada hubka, in xarumaha iyo waaxyaha dowladda looga dhaqmo daacadnimo, xoojinta la dagaalanka maandooriyaha, in la soo dhiso guddiyada nabadda ee jaamacadaha , isbeddelo lagu sameeyo waaxda gaadiidka iyo sido kale in la habeeyo tababarada dhanka maamulka ee xafiisyada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here