Shir ku saabsan ammaanka oo Mandera ka furmaya

Waxaa maanta ismaamulka Mandera ka furmaya shirweyne ku saabsan sidii amniga loo xoojin lahaa si looga hor tago weerarada argagixiso ee saameeyay gobolka waqooyi bari.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb gali doono madaxda laga soo doortay ismaamulka Mandera,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii shir noocan oo kale ah lagu qabtay Garissa waxayna madaxda iyo shacabka ku heshiyeen in iyadoo la kaashanaya dowladda dhexe la iska celiyo Al-Shabaab.
Saameynta gobolka ku timid ayaa waxaa ka mid ah dhanka tacliinta kaddib markii weeraro lagu dilay 7 qof oo saddex ka mid ah ay macallimiin ahaayeen ay ka dhaceen tuulooyinka Sareedo iyo Kamuudeey ee ka kala tirsan Dadaab iyo Faafi.
Dhacdooyinkaas kaddib, macallimiinta aan dhalasho ahaan ka soo jeedin gobolka ayaa billaabay inay isaga soo tagaan dugsiyadii ay wax ka dhigayeen iyagoo dalbanaya in la soo beddelo.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa barayaasha ugu baaqay inay dugsiyada ku sugnaadaan maadaama ammaanka si weyn loo sugayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here