Shir ku saabsan cudurka COVID19 oo maanta la qabanaya

Waxaa lagu wadaa inuu maanta qabsoomo shir looga arrinsanayo xaaladda cudurka COVID-19 ee gudaha dalka oo 28-kii bishii hore uu ku baaqay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa kulankan ku tilmaantay midkii lixaad oo aan caadi ahayn.
Waxaa uu ku soo aadaya xilli ay kordheen kiisaska caabuqa corona ee si maalinla ah looga diiwaangeliyo gudaha Kenya.
Shirka oo uu guddoomin doono madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb galaya guddiyada dowladda dhexe iyo ismaamullada u qaabilsan la tacaalidda cudurka.
Bayaan ay soo saartay afhayeenka madaxtooyada Kenya Kanze Dena Mararo ayaa lagu xusay in kulanka maanta diiradda lagu saari doono wax ku oolnimada tallaabooyinka ay dowladdu ku xakameynayso faafidda cudurka.
Sidoo kale waxaa la eegi doonaa saameynta ka dhalatay go’aankii ay dowladda dhexe ku fududeysay xayiraado ay horay u soo saartay.
Shirkan ayaa dhanka kale imaanaya maalmo un kaddib markii hoggaamiyaha wadanka uu walaac ka muujiyay xaaladaha caabuqa corona ee kordhay tan iyo bishii hore.
Madaxweynaha ayaa cid kasta ugu baaqay inay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saarto ka hor tagga faafitaanka COVID-19.
Shacabka ayaa lagu booriyay inay adeegsadaan maaskarada ama afxirka, inay si joogto ah ugu dadalaan nadaafadda sidoo kalena aynan aad isugu dhawaan oo labada qof ee isugu dhow ay isku jiraan ilaa 1.5 mitir.
Ilaa iyo hadda ma cadda in dowladda ay tallaabooyin dheeraad ah soo saari doonto in kastoo madaxweyne Uhuru uu maalmo ka hor tilmaamay qaadashada go’aankan haddii ay dantu kalifto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here