Shir ku saabsan guriyeynta oo lagu qabanayo Nairobi

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in toddobaadka soo socdo uu soo bandhigo barnaamijka dowladda ee ku addan mashruuca dhanka guriyeynta.
Mr. Kenyatta ayaa fursad u heli doono inuu barnaamijkan u sharaxo maalgashata ka qeyb galaya shir socon doono 5 maalmood oo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan guriyeynta ay ku qabanayso xaafadda Gigiri ee magaaladatani Nairobi.
Shirkani waxaa ka soo qeyb galaya qiyaastii 3000 oo ah wufuud ka soo kala jeeda in ka badan 170 wadan kuwaasi oo matalaya dowlado, shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay, wakaaladaha horumarineed iyo ururada rayidka.
Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda dhexe ay waddo qorshaha ay sannad kasta ku dhisayso 500,000 oo ah guriyo taya ahaan wanaagsan oo dadweynaha ay ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Dhisidda guriyo taya leh ayaa ka mid ah afar arrimood oo waaweyn oo maamulka talada haya ee Jubilee uu xilligii ololihii doorashada Kenyaanka u ballanqaaday inuu ka dhabeynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here