Shir laga yeeshay Amniga Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya lagu qabtay shir diiradda lagu saarayay xoojinta ammaanka.
Shirkaas waxaa guddoominayay duqa magaala madaxda ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Waxaa kulanka looga hadlay Barnaamijka Bulsho bile oo ah baraamij cusub oo uu maamulka Gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo Laguna dardargeliyo isdhaxgalka bulshada iyo dhiiragalinta soo bandhiga hal abuurka bulshada kunool magaalada Caasimadda ee Mogadisho.
Sidoo kale Shirka inta uu socdey ayaa waxaa looga hadley dardar galinta Nadaafada , bilic soo celinta caasimada iyo xoojinta Amniga caasimada,waxaana Guddoomiyeyaasha degmooyinka ay duqa Muqdisho uga warbixinyeen amniga Caasimadda iyo Shaqooyinka ay qabteen.
Ugu Dambeyntii Duqa Caasimadda ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa kula dardaarmay guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimiyaasha Waaxaha ee Dowlada Hoose ee xamar in ay dardargeliyaan ka shaqeeynta Horumarinta caasimada iyo inay si cadaalad ah ugu adeegaan shacabka kunool Caasimadda.
Markii uu shirka soo dhammaaday kaddib ayaa waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Carab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here