Shir lagu qiimeynayo ka falcelinta COVID19 oo maanta la qabanaya

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu maanta guddoomiyo shir qaab online ah u dhacaya oo ku saabsan cudurka COVID19 waxaana ka qayb galaya saamileyda caafimaadka.
Ajeendaha shirka ayaa ah in qiimeyn lagu sameeyo sida ay Kenya kaga falcelisay coronavirus.
Waxaa sido kale la dejin doonaa qorshayaal wax ku ool ah oo la adeegsan karo mustaqbalka si dalka uu kaga soo kabto saameynta dhinacyada badan ee ka soo gaartay cudurka.
Golaha guddoomiyaasha ismaamullada ee(CoG) ayaa fursad u helaya inay faahfaahin ka bixiyaan waxyaabaha u hirgalay dowlad deegaanada.
Guddoomiyaha CoG ahna barasaabka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sido kale maanta soo bandhigi doono caqabadaha ismaamullada ka haysta yareynta faafidda caabuqa.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa gudaha dalka laga diiwaangelinayay wax ka yar 300 oo xaaladood oo COVID19 ah.
Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo tirada guud ee kiisaska coronavirus ee laga xaqiijiyay gudaha dalka ay gaareen 34,057 kaddib markii galinkii dambe ee shalay ay wasaaradda caafimaadka shaacisay 263 xaaladood oo dheeraad ah.
Tirada dadka gudaha Kenya cudurka kaga caafimaaday ayaa ah 19,688 halka dhimashada guud ay tahay 574 qof.

Shirka maanta waxaa hadalo ka jeedin doono wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe , dhigiisa dowlad wadaajinta Eugene Wamalwa, wasiirka waxbarashada Prof. George Magoha, safiirka Kenya ee dalka Japan Horie Ryoichi iyo wakiilka hay’adda caafimaadka adduunka WHO ee dalka Rudi Eggers.
Waxaa sido kale kulanka ka qaybgalaya afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Charles Owino, agaasimaha fulinta ee hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha Amnesty International laanteeda Kenya ,Irungu Houghton madaxa fulinta ee hay’adda AMREF ee Afrika Githinji Gitahi , wakiilka Kenya ee hay’adda (UNDP) Walid Badawi iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa khudbadii uu jeediyay 26-kii bishan ku sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’an tahay dib u soo noleynta dhaqaalaha wadanka ee ay saameynta ka soo gaartay cudurka COVID19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here