Shir lagu waday inuu u furmo madaxweynaha Soomaaliya iyo Maamulada Puntland iyo Jubaland oo dib u dhacay

Xalay ayaa qorshuhu ahaa in Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho uu kulan gaar ah uga furmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Maamulada Puntland & Jubbaland, kuwaasoo maalin ka hor gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya, hayeeshee kulankaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu baaqday.
Wararka la helayo kulanka ayaa waxaay sheegayaan in sababaha kulanka uu u baaqday ay kamid tahay tabasho ay qabaan madaxda Maamulka Jubbaland iyo shuruudo ay ku xireen,sida in Ajandayaasha Shirka lagu soo daro arrimaha Gobolka Gedo oo Dowladda Soomaaliya ay geysay Ciidamo farabadan iyo arrimo kale, waxayna Warbaahinta Gudaha Soomaaliya sheegay in shuruudaas uu ku raacay Maamulka Puntland.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe shaaciyay in kulanka Madaxwyene Farmaajo & hogaamiyeyaasha Puntland & Jubbaland uu furmi doono,isla markaana ay ka hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka balse wax walba ay is bedeleen markii wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ay shuruudahaas la yimaadeen.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda qorsheynta Maamulka Jubbaland Aadam Ibraahim Aw Xirsi ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inuu qabo in qorsho ka duwan arrimaha doorashada Soomaaliya ay Muqdisho la yimaadeen Madaxweynayaasha Maamulada isla markaana uu jiro gorgortan Siyaasadeed.
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Jubbaland ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3 oo Go’aan looga gaaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, hayeeshee cadaadis uga yimid Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here