DHAGEYSO:Shir looga hadlayay Maaraynta Qaxootiga oo Muqdisho lagu qabtay.

Shir Mudo labo cishe ah ka socday magaalada Muqdisho ayna soo qaban qaabiyeen urur goboleedk IGAD ayaa looga hadla arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii hay’adaha Dowlada Soomaaliya ay Hormuud uga Noqon Lahaayeen qorsheyaasha dib u Dajinta iyo Maaraynta Qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa madashaan ka qayb Galay Masuuliyiin ka kala socday hay’adaha dowlada Soomaaliyeed ee heer fedraal iyo maamul goboleed kuwaasoo dhamaantood ay arimaha qaxootigu quseeyaan.
Intii uu shirkaasi socday ayaa lagu soo bandhigay xog aruurin dhinacyo badan laga soo sameeyay oo ku aadan habka ugu sahlan ee loo wajihi karo arimaha qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.
Maxamed Axmed C/laahi oo ah u qaybsamaha arimaha warbaahinta ee urur goboleedka IGAD ayaa sharaxaya muhiimada kulankaasi.

 

Maxamed Amiin C/laahi Cusmaan gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed iyo agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee koonfur Galbeed C/wahaab Cali ayaa dhankooda soo bandhigay qorshaha dowlada Soomaaliya ee ku aadan arinta Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

 

Daraasaad uu sameeyay urur goboleedka IGAD ayaa lagu ogaaday in kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ay dalkooda Hooyo dib ugu Laabteen kuwaasoo u baahan daryeel nololeed kulankaan ayaana ku saabsanaa sidii qorshahaasi loo dajin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here