Shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya ka furmay kulan-howleed looga doodayo hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaaleynta kaasoo ah qodob muhiim ah oo ka tirsan dastuurka.
Kulanka oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac.
Ugu horeyn waxaa shirka ujeedadiisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr isaga oo soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha shirka ee ka kala socday wasaaradaha dowladda iyo qaar kamid ah hay’adaha qaramada midoobay.
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo kulanka furay ayaa ka hadlay muhiimadda nidaamka maaliyadda u leeyahay dhameeystirka dastuurka.
“Hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaalka waxaa uu kamid yahay qodobada maasiriga ah ee u baahan in aragti la yeesho si dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay uga wada shaqeeyaan arrimaha maaliyadda, si taa lamid ah xulashada nooca hannaanka maaliyadda waxa uuna kaalin weyn ka qaadanayaa dhameeystirka dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax.
Ugu damabyn, Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xulashooyin ku saabsan hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaalka waxaana labada cisho ee uu kulanku socodo lagu falanqeeyn doonaa xulashooyinka ay soo bandhigeyso wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here