Shir looga hadlayo wada-hadallada soomaaliya iyo Somaliland oo ka furmay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maanta oo Axad ah ka furmay Shir looga hadlayo sidii loo amba-qaadi lahaa wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.
Waxaa shirka ka qeyb galaya waxgarad matalaya Somaliland iyo guddiga wada hadalka Soomaliya iyo Somaliland ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.
Xubnaha ka qeyb-galaya Shirka ayaa waxa ay soo jeedinayaan talooyin badan oo ku aadan sidii wada-hadalladaas loo amba-qaadi lahaa.
Afartii sano ee la soo dhaafay ayaynan qabsoomin wadahdallo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxaana fashilmay isku dayo dhowr ah oo la sameeyey oo garwadeen ka ahayd Dowladda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here