Shir madaxda Soomaalida lagu wada iyo inuu kaga furmo Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud sidoo kalena ah Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya kajira,kaasoo looga arrinsanayo xalka gaarista Arrimaha doorashada Qarank.
Shirkaan ayaa ah Wajiga labaad ee shir ay dhawaan Dhuusamareeb ku yeesheen Madaxda Maamulada Soomaaliya, iyagoo Madaxda Sare ee dowladda dhexe Xiligaas ugu baaqay inay wajiga labaad ee Shirka kasoo qeyb galaan si loo wada tashado xal muuqdana looga gaaro waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkaasi uu guddoomin doono Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana looga hadli doono hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyo qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka kale ee dalka.
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud waxaa ku sugan Madaxweynaha dowlada dhexe ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Xassan Cali Kheyre, Madaxweynaha Jubbaland oo xalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb, iyo Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug,waxaana la filayaa inuu Maanta dib ugu laabto Dhuusamareeb Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Xalay Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Jubbaland, iyagoo ka arrinsanayay sida loo wajahayo shirka ay wada yeelan doonaan dhinacyada hogaamiyaha siyaasada dalka Soomaaliya.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ku sugan Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo gaar ah oo ay wataan Madaxda Sare ee dowladda iyo hogaamiyeyaasha Maamul goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here