Shir qaran oo la qabanaya sannadka cusub

Waxaa la filayaa in bisha koobaad ee sannadka 2020-ka la qabto shir weyne qaran oo looga arrinsanayo hor u socodka wadanka kaddib markii shalay la soo bandhigay warbixin haddii la dhaqangaliyo la rumeysan yahay inay xal u noqon doonto caqabadaha dalka ka jiro.
Madaxweynaha dalka ayaa dhammaan shacabka iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed ugu baaqay inay si qoto dheer u akhriyaan warbixinta oo ka kooban ilaa 156 bog.

Waxaa uu si gaar ah madaxda ku booriyay inay muujiyaan qaan gaarnimo siyaasadeed oo ay ka tanaasulaan sida uu hadalka u dhigay isku dirka dadweynaha.
Uhuru 2
Warbixintan ayaa in muddo ah la sugayay waxaana kenyaanka la wadaagay guddi ka kooban 14 xubnood oo la soo magacaabay kaddib kulan taariikhi ahaa oo 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxa garabka mucaaradka Raila Odinga.
Guddigan ayaa loogu magacdaray BBI oo loola jeedo dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka.
Waxay xubnaha BBI ku soo wareegeen 47-da dowlad deegaan ee uu wadanka ka kooban yahay.
Kenyaanka ayay wax ka weydiinayeen ilaa sagaal qodob oo labada mas’uul ay ku heshiiyeen in xal loo helo.
Qoddobadan ayaa kala ah dowlad wadaajinta, in cid kasta ay dareento inay dowladda ka dhex muuqato, xal u helidda doorashooyinka lagu kala qeybsamo,musuqmaasuqa, qabyaaladda, badqabka iyo ammaanka, la’aanta anshax qaran, barwaaqo iyo horumar la wada gaaro, xuquuqda iyo waajibaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here