Shir weynaha ururka islaamka oo maanta Muqdisho ka furmaya.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in Isniinta maanta ah uu magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ka furmo Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay soo qabanqaabisay Dowlada Federaalka Soomaaliya,uuna maalgelinayo Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC).
Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka iskaashiga Islaamka, 30 caalim oo ka socda wadamada xubnaha ka ah ururka Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ku taqasusay ayaa hadalo ka jeedin doona shirkan maanta ka furmayo magaalada Muqdisho oo soconaya labo maalmood (29-30 April).
Shir-weynahaan ayaa diiradda lagu saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here