Shirka Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo lagu ansixiyay 33 qaraar

Kalfadhigga 15-aad ee midowga baarlamaanada dowladaha islaamka ee ka dhacay caasimadda wadanka Burkina Faso ee Ouagadougou ayaa laga soo saaray 33 qaraar.
Arrintan ayaa timid kaddib markii kulan gaar ah ay yeesheen guddiga qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dibadda .
Qaraaradan ayaa laga soo gudbiyay kulankii dhacay daba yaaqadii sanadkii 2018.
Dowladda Soomaaliya oo shirkan qeyb ka ahayd waxaa ku matalayay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi ‘’Buux’’ .
Dhinaca kale qaraarkan waxa uu ku baaqayaa in dhamaan dowladaha xubnaha ka ah midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka iyo guud ahaan beesha caalamka ay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in laga faa’ideysto fursadaha maalgashi ee xiligan ka banaan Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa jira dhowr qaraar oo wada taabanaya ama khuseeya inta badan dalalkan oo ay ka mid yihiin in guud ahaan dalalkan midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ay meel uga soo wada jeestaan talaabo walba oo sharci dara ah oo lagu cuna qabateynaayo wadamada Islaamka.
Waxaa sido kale jiro qaraar ka hadlaya dhibaatooyinka Tahriibka iyo Qaxootiga ee caalamka Islaamka, iyo mid ku saabsan sidii loo taageeri lahaa muslimiinta ku nool wadamada looga tirada badanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here