Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo wali caqabado ku hor gudban yihiin.

Guddiga Qaban qaabada shirka dib u heshisiinta dadka daga deegaanada maamulka Galmudug ayaa sheegay inay wali ku howlan yihiin dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in lagu furo Shir weynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo markii labaad dib u dhac uu ku yimid.
Qaar ka mid ah beelaha degan deegaanada maamulka Galmudug ayaa wali diidan inay ka qeyb galaan Shirkaas dib u heshiisiinta waxayna sheegeen inay qabaan tabashooyin ku aadan hanaanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku waddo dhismaha maamulka Galmudug.
Caqabaddaha ugu waa weyne ee ku hor guduban shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Ammaanka xarunta shirka Dib u heshiisiinta oo wali aan Ciidan rasmi ah lagu wareejin.
Dhanka kale Gudoomiyaha Guddiga u dib u heshiisiinta Beelaha daga deegaanada maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Baadiyow oo la hadlay warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaan Ergooyinkii ka qeyb galaayay Shirka ay soo gaareen Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono Shirka dib u heshiisiinta dadka dega deegaanada maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here