Shirka hay’adda guriyeynta ee qaramada midoobay oo maanta ka furmayo Nairobi

Waxaa maanta la filayaa in magaaladatani Nairobi uu ka furmo shirka golaha hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan guriyeynta.
Hay’addan oo loo yaqaano UN Habitat ayaa ganacsatada ugu baaqday inay sameystan iskaashiyo muddo dheer shaqeynaya.
Agaasimaha guud ee hay’addan Maimunah Sharif ayaa hoosta ka xariiqday in iskaashiga ganacsi uu kaalin weyn ka qaadan karo horumarinta magaalooyinka.
Waxay carrabka ku dhufatay in hay’addu ay ka go’antahay inay jaaliyadda ganacsatada si dhow ugala shaqeyso dhaqangalinta qorshaha istaraatiijiga ee UN-Habitat inta u dhexeysa sannadka 2020 ilaa 2025-ka.
Shirkan oo soconayo muddo hal isbuuc ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 3,000 oo qof
Ka soo qeyb galayaasha waxaa ka mid ah afar madaxweyne, 40 wasiiro ah iyo wakiilo sar sare oo matalaya 116 wadan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu 10-ka barqanimo kulankaasi hadal furitaan ah ka jeediyo iyadoo hal ku dhig looga dhigay wax soo saar lagu wanaajiyo noolosha dadweynaha.
Qodobada miiska saaran waxay kala yihiin doorashada madaxa golaha , tixgelinta xeerarka iyo soo xulashada saraakiisha kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here