Shirka hay’adda guriyeynta ee qaramada midoobay oo weli ka socdo Nairobi

Waxaa maalinkii afaraad magaaladatani Nairobi gaar ahaan xaafadda Girgiri ka socdo shirka golaha hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan guriyeynta.
Hay’addan oo loo yaqaano UN Habitat ayaa ganacsatada ugu baaqday inay sameystan iskaashiyo muddo dheer shaqeynaya.
Shirkan oo horay loo qorsheeyay inuu socdo muddo hal isbuuc ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 3,000 oo qof
Ka soo qeyb galayaasha waxaa ka mid ah afar madaxweyne, 40 wasiiro ah iyo wakiilo sar sare oo matalaya 116 wadan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo isniintii si rasmi ah u furay ayaa hay’addan u ballanqaday in dowladda Kenya ay ugu deeqayso 3 milyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here