Shirka hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo maalinkii labaaad u socda

Waxaa Maalintii labaad ka socda Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya Shirka u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/lahai Farmaajo, Madaxda Maamul goboleedyada shanta ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaah la xiriira doorashada qaranka sidii go’aan rasmi ah looga gaari lahaa si loo qabto doorasho laga wada heshiiyay lagu qabto waqtigeeda ayna qayb ka yihiin dhamaan dhinacyada ay qusayso.
Shirka Maalintii labaad socda ayaa wararka la helayo waxaay sheegayaan in hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay soo bandhigeen qodobada qaar oo ay kaga soo horjeedeen shirkii dhuusamareeb 3 oo dhawaan lagu soo Gabagabeeyay Magaaladakasoo Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug
Dhamaan dhinacyada ayaa wararku sheegayaan inay si adag waxaa uga doodayaan arrimaha doorashada oo ah muhiimada shirka loo qabtay,waxaana maanta la filayaa in si aan caadi aheyn mas’uuliyiintaan uga hadlaan arrimaha doorashada qaranka iyo Xiligaan kala Guurka oo ah waqti loo baahan yahay in looga baxo wax la wada ogol yahay
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Madaxwyenaha Soomaaliya Maxamed C/lahai Farmaajo iyo Madaxda Maamul goboleedyda, galmudug oo shirka Marti galisay, Hir-Shabeelle,Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir shir ay ku yeesheen ka soo saareen nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya ee dhamaadka Sanadkaan ilaa bilowga Sanadka Soo aadan, hayeeshee waxaa qaadacay qodobadii shirkaas iyo nooca doorashada Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland taasoo keentay in shir kale lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya kadib markii sida la sheegay taageerayasha Soomaaliya ee Beesha Caalamku labada madaxweyne ee Maamulada Puntland iyo Jubaland Cadaadis ku saareen ka qaybgalka shirkaan.
Shacabka Soomaaliyeed iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka oo dhan ayaa isha ku haya Shirka ka socda Muqdisho halka Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ay kor kala socdaan shirka, iyagoo Madaxda culeys ku saaraya inay heshiis gaaraan sida ay wararku sheegayaan.
dhanka kale Xildhibaan Dr Cabdi Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa qaba in hadii Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay doonaan in waxka bedel ku sameeyaan sharcigii ay ansixiyeen ee doorashayooyinka looga baahan yahay inay baarlamaanka horkeenaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here