Shirka maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe oo ka furmay Mombasa

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka sannadlaha ee maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee wadanka ay ku yeelanayaan magaalada Mombasa ee gobolka xeebta.
Kulankaas ayaa diiradda lagu saaraya qodobbo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha tacliinta waxaana hal ku dhig u ah dhaqangelinta manjahka cusub ee waxbarashada ee 2-6-3-3-3.
Prof. Magoha ayaa u mahadceliyay dhammaan mas’uuliyiinta halkaasi isugu tagay isagoo si gaar ah u sharfay macallimiinta dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in nidaamka uu ku shaqeeyo ay ka mid tahay inuu dugsiyada tago isagoo aan horay u sii shaacin si uu u ogaado xaaladda dhabta ah ee jirta.
Magoha ayaa arrin lagu farxo ku tilmaamay in dugsiyo badan oo uu tagay boqolkiiba 98 uu arkay macallimiinta oo sida habboon u gudanaya waajibaadka saaran.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda ay si buuxda u dhaqangelin doonto manhajka cusub ee tacliinta iyo la tixgelinayo aragtiyada kala duwan ee la soo bandhigay.
Macallimiinta ayaa ku talinaya in loo sameeyo tababar dhameystiran oo ku aaddan hannaanka cusub ee lagu beddelayo midkii 8-4-4 ee dalka la jiray in ka badan 30 sano.
Wasiirka ayaa sido kale soo hadal qaaday natiijadii ka soo baxday imtixaankii fasalka sideedaad ee KCPE-da ee sannadkan isagoo macallimiinta ugu mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen in la soo saaro buundooyin lagu kalsoonaan karo.
Sido kale waxaa uu xusay inuu ka war helay waalidiin iyo carruurtooda oo walaac ka muujinaya qaabka loo xushay ardayda ku biiraya dugsiyada kala duwan ee dalka.
Prof. Magoha ayaa mar kale ku adkeystay in eedda ay weli la jirto ardayda cabanaya maadaama ay ka gaabiyeen inay doortaan tiradii dugsiyada ee looga baahnaa.
Wuxuu sheegay in ardayda sheegaya inaynan fursado ka helin dugsiyada sare ee dalka ay badankoodu ku biirayaan xarumihii waxbarasho ee ay nambarka koowaad ka dhigeen markii ay foomamka buuxinayeen.
Wasiirka ayaa waalidiinta walaaca muujinaya ku booriyay inay dib u eegaan dugsiyadii ay carruurtooda xusheen kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in 30,000 oo ka mid ah ardaydii sannadkan u fariistay KCPE-da ay ku biirayaan xarumo aynan dooran.
Wasiirka ayaa dhanka kale waalidiinta ugu baaqay inay mas’uuliyadooda ka soo baxaan oo ay carruurtooda ku abaabiyaan dhaqamada wanaagsan.
Waxaa uu xusay in macallinka ay howlo badan u yaallaan sidaasi awgeedna aan loo baahneyn in la saaro culeys dheeraad oo ku aaddan waxyaabo ay lagama maarmaan tahay in canugga uu cidda ku soo barto.
33,009 arday ah ayaa wax ka baran doono 136 oo ah dugsiyada heerka qaran ee loo yaqaano National Schools, ,184,816 waxay ka dhigan doonaan dugsiyada ugu horreeya ismaamullada ee ku soo xiga kuwa qaran ee extra county , 188,454 oo wax ka baran doono dugsiyada ismaamullada halka 669,145 la qorsheeyay inay galaan xarumaha waxbarasho ee deegaannada.
Arday dhan 777 ayaa fursado ka helay dugsiyada loogu tala galay ardayda qabo baahiyaha gaarka ah.
Arday dhan 1,083,456 oo sannadkan 2019-ka sameeyay imtixaanka KCPE-da ayaa isugu jiray 543,582 oo u dhiganta boqolkiiba 50.17 oo wiilal ah halka 539,874 ay gabdho yihiin.
Ardayda ku biiraya dugsiyada sare ee ismaamullada iyo deegaannada hoos tago ayaa magacyadooda la shaacin doonaa 10-ka bishan Disembar oo talaadada ku beegan.
Shalay ayay ahayd markii uu Prof. Magoha caddeeyay in xulashada ardayda loo wajahay qaab caddaalad iyo daahfurnaan ay ku dheehan tahay oo dowladda ay go’aansatay in ardaygu haddii sidii laga doonayay uunan sameyn la geeyo dugsigii markaasi ay fursad ka jirto.
Qaar ka mid ah macallimiinta ka qeyb galaya shirka ka socdo Mombasa ayaa sheegay inay codsanayaan in lacago gunnooyin ah la siiyo maadaama ay dareemayaan inay qabtaan howl aan fududeyn .
Waxay sido kale barayaasha qaarkood soo dhaweyeen arrimo uu sheegay Magoha in kastoo ay ku kala aragti duwan yihiin qorshaha guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu maamulayaasha ugu wareejinayo deegaanno ka baxsan kuwa ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta dalka KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion uu dowladda u qabtay muddo 22 cisho ah oo ay ku xallinayso arrimo ay barayaasha dalbanayaan.
Waxyaabaha ay doonayaan waxaa ka mid ah in meesha laga saaro nidaamka loo yaqaano NEMIS ee lagu maareeyo macluumaadka waxbarashada kaasoo la soo bandhigay sannadkii 2017-kii.
Sossion ayaa xusay in wasaaradda waxbarashada iyo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC laga doonayo inay tallaabo qaadaan ka hor inta aan bisha koowaad ee sannadka cusub dib loo furin dugsiyada haddii kale xubnaha KNUT ay shaqa joojin qaran ku dhaqaaqayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here