Shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay.

Magalada Muqdisho waxaa ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya,waxaana ka qeyb-gelaya in ka badan 50 Dowladood oo dhammaan taageera arimaha Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Maamul goboleedyada ka jira dalka qaarkood ayaana ka qayb galaya madashaan.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka furay,waxaana looga hadlayaa Arrimo ay kamid yihiin,horumarinta dalka Soomaaliya gaar ahaan,Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Siyaasadda iyo Cadaaladda.
Qaar ka mid ah Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa Shirka ka qeyb-galaya,waxaana ka maqan Madaxweynahaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland sababo la xiriira khilaaf kala dhaxeeya Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo Maanta si rasmi ah u furay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa soo bandhiga 4 qqodob oo uu sheegay inay waxka qabatay Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.
Mahdi Guuleed ku xigeenka ra’isulwasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax ka qabatay Arrimo ay kamid yihiin, Amniga,Dhaqaalaha, la-dagaalanka Musuq Maasuqa iyo Sharciyo Muhiim ah oo la hirgaliyay mudadii ay Xilka Hayeen.
Khudbadiisa furitaanka Shirkaan Caalamiga ah ayuu sidoo kale ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay gaartay horumar dhinac walba ah loogana baahan yahay in Dowladaha daneeya Arrimaha Soomaaliya ay ku taageeraan dadaalada dhinacyada badan ee ay dowlada dhexe ku howlantahay,isagoo intaasi ku daray inay dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamku wada Xisaabtami doonaan.

Magalada Muqdisho waxaa haatan ka socda shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeyb-galayaan Wakiilo ka socda Dowladaha taageera Soomaaliya iyo madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxana hadallo kala duwan ka sheegay Xubnaha ka socda Beesha Caalamka.
Wakiilka Dowladda Talyaaniga ayaa sheegay inay Muhiim tahay xoojinta la-dagaalanka Ururka Al-Shabaab maadaama ay horay u balan qaaday dowladda Talyaanigu inay dowlada federaalka Soomaaliya dhinacyo badan ka Taageerayso,sidoo kale wuxuu sheegay in qarixii shalay Muqdisho lagula eegtay Ciidamadooda uusan wax khasaare ah kasoo gaarin dhacdadaasi.
Wakiil u Hadlay Dowladda Faransiiska ayaa dhankiisa sheegay inay caqabado kala kulmaan fulinta Balamaha ay la galeen Dowladda federaalka si deganaansho Siyaasadeed loo Gaaro taasoo ka mid ah talaabooyinka muhiimka ah oo la doonayo in laga miradhaliyo.
Wakiilo kale oo iyaguna u hadlay dowlaha UK iyo Germany ayaa waxay sigaar ah uga hadleen Ahmidda Amniga iyo dhisidda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya si ay u hantaan Amniga dalkooda,isla markaana ugala wareegaan Ciidamada AMISOM oo hada deegaano ka mid ah dalKA Soomaaliya ku sugan.
Wakiilka u hadlay dowlada Ingiriiska ayaa dhankiisa Su’aalo ka Keentay dhaqaalaha Al Shabaab ay helaan iyo Dhabayaasha lagu joojin karo dhaqaalahaas oo marar badan ay soo noq noqtay inay Al-Shabaab mallaayiin dollar Bishii ka helaan Gudaha dalka Soomaaliya ayadoo dhanka kalena dowlado awood Milatari leh oo maraykanku ugu horeeyo ay sheegeen inay dadaal ugu jiraan Ciribtirka Kooxaha Argagixisada loogu Yeero ee Ku sugan dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waqiilka QM u qaabilsan arimahaa dalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu shirkaan Qeexayo muhiimada ay leedahay in talaabooyin badan horay loo qaado,Wakiilka Q.M ayaa Tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo qorsheyaal looga hortagaayo aafooyinka dabiiciga ah sida in adkaysi loo yeesho abaaraha inta badan ku soo laalaabtay dalka Soomaaliya.
Shirkaan oo socon doona laba Maalin ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah ay ku biiraan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyaga oo halkaasi khudbado ka jeedin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here