Shirka Soomaaliya iyo Soomaaliland oo lagu wado iny war-murtiyeed laga soo saaro.

Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor Hotelka Kampiski ee Magaalada Jabuuti looga yeeray Saxaafada halkaasoo shir mudo afar cisha ah uga socdo wafood ka kala socda dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Soomaaliland kadib markii ay halkaas ka furmeen Maalinkii sabtida ee ina dhaafay.
Kulankaan ayay wararku sheegayaa in qaar ka mid ah qodobadii looga hadlayay la isku afgartay sidoo kalena qodobada aan la isku fahmin dib looga hadli doono kulamada danbe.
Waxyaabaha looga hadlay kulanka ee la sheegay inay labada dhinac isaga soo dhawaadeen ayaa waxaa la sheegay inay ka mid yihiin fududaynta isu socodka labada dhinac maadaama ay horay Soomaaliland dadka ka imaanaya ama dagaya Magaalada Muqdisho shuruudo ugu xiri jireen,dadka Soomaaliyeed ay deegaanada kala duwan ay si caadi ah isaga kala gooshaan oo aan wax shuruud ah lagu xirin.
Deeqaha Soomaaliland ay ka hesho wadamada kale ee caalamka ayaa la sheegay inay hada kadib Soo mari doonaan dowlada Soomaaliya ayadoo lagu soo shubayo akoon gaar ah oo Soomaaliland ku yeelanayso bankiga dhexe ee Soomaaliya sida ay wararka shirka laga helayo sheegayaan wallow aan wali warsaxaafadedka shirka la soo saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here