Shirka wasaarada howlaha guud ee Soomaaliya oo Muqdisho ka socda

Shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ay ka qeybgalayaan Wasaaradaha Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan Hay’adda UNOPS,waxaa looga wada tashanayey mashruuca tayaynta Shaqaalaha Wasaaradaha Hawlaha Guud SSIWPP,Waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, iyo Xubno kasocday UNOPS ee Qaramada midoobey ee dhinaca mashaariicda.
Wasiir kuxigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Xasan Cismaan oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer maamul gobaleed ay wadashaqeyn buuxda ka dhexeyso,wuxuuna intaasi ku daray in shaqooyin badan ay si wada jir ah u soo qabteen,ayna ku guuleysteen.
Inta uu socdo shirkaan ayaa diiradda lagu sari doonaa sare u qaadista heerka aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda Howlaha guud ee DFS iyo kuwa dowlad gobaleedyada,waxaana hadafka ugu weyn uu yahay in shaqaalaha ay noqdaan kuwo khibrad iyo aqoon durugsan u leh adeegyada ay qaranka u hayaan.
Axmed Nur Sheekh Maxamed oo ah wasiirka Howlaha guud ee Koonfur Galbeed oo ku hadlay magac maamul gobaleedyada ayaa ku ammaanay Madaxda wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer maamul gobaleed.
Shirkaan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah waxaana ugu dambayn laga soo saari doonaa war murtiyeed ku saabsan ahmiyadda shirkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here