Shirka xal ka gaarida doorashada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Waxaa Maanta si rasmi ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada uga furmay Shirka u dhexeeyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo mudooyinkii la soo dhaafay si aad ah looga dhur sugayay Maadaama uu dhowr mar gadaal u dhacay.
Shirka ayaa waxaa uu daba socdaa Shirkii Dhuusamareeb 3 ee Bishii hore Magaaladaas lagu soo gabagabeeyay, waxaana looga hadlayaa dhameystirka Hanaanka Doorashooyinka Qaranka.
Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u dhexeeya ayaa dhowr jeer oo hore baaqday sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeyay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Inta uu shirku socdo ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa Arrimo la xiriira doorashooyinka dalka Soomaaliya, si go’aan rasmi ah looga gaaro loona qabto qaab doorasho la isku raacsan yahay maadaama muddo xileedka Hay’adaha dowladda uu hada dhamaad yahay.
Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya dalka Soomaaliya ayaa kulanka kor kala socda, waxaana jirtay in Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay cadaadis ku saareen inay Muqdisho u yimaadaan shirkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here