Shirkada beco oo dhimaysa qaymaha korontadeeda

Shirkada Beco oo ka mid ah shirkadaha Korontada ee dalka Soomaaliya ka howl gala ayaa Maanta waxay ku dhawaaqday inay dhimayaan qaymaha korontada si ay uga qayb noqdaan dadaalada socda xiligaan ay dalka Soomaaliya iyo dunida oo dhan la dagaalamayaan cudurka Corona.
Masuuliyiinta shirkada BECO oo shir jaraa’id Maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maadaama xiligaan dalka Dhibaatooyin badan ka jiraan sidoo kalena la guda galay bisha Barakaysan ee Ramadaan ay macaamiishooda qaymo dhimis u sameeyeen.

Qaymo dhimistaan ay Samaysay shirkada BECO ayaa Imaanaysa ayadoo horay uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Ganacsatada wadaniga uga codsaday inay adeegyada ay bixiyaan qaybmo dhimis u sameeyaan si shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo dhibaato dhaqaale maadaama ay mid caafimaad wajahayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here